In ka badan 33 qof ayaa lagu dilay dagaal cusub oo ka qarxay dalka Jamhuuriyada Dimuquraadiga Kongo oo u dhexeeya qowmiyadaha Hema iyo Lendu oo wada daga Gobolka waqooyi bari ku yaalla ee Ituri.

Warbaahin ay maalgaliso Qaramada Midoobay (QM) ayaa sheegtay in kooxda weerarka soo qaaday ay dib u riixeen ciidamada nabad ilaalinta. In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay qalalaase ka taaganaa Gobolka tan iyo bishii Decembar ee sanadkii hore 2017.

Dagaalka u dhexeeya qabaa’illada Hema iyo Lendu ayaa ka qeyb ah colaadaha ka taagan dalkaasi oo sababay in dad badan oo ree Kongo ah ay barakacaan. Gobolka Ituri oo kaliya ayaa waxaa qiyaas ahaan guryahooda ka barakacay 200,000 oo qof.

Hay’adda QM u qaalbisan caruurta ee loo yaqaano UNICEF ayaa sheegeysa in ka badan 46,000 oo caruur ah oo uu saameeyay dagaalkan sokeeye ee dalka ka qarxay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay