Ra’iisul-wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aanka madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ku sheegay in uu canshuur dhan 25% ku kordhinayo birta dibadda laga keeno iyo 10% oo Aluminiyamimka ah.

Justin Trudeau ayaa jawaabtan bixiyay isaga oo intaa ku darey in uu diyaar u yahay difaacida warshadaha dalka Canada ee birta sameeya. Dalka Canada ayaa ah wadanka ugu badan ee labada macdanba u dhoofiya dalka Mareykanka.

Ra’isulwasaare Justin Trudeau waxaa uu ka digay in qiimahan canshuurta cusub ay dhaawici doonto shirkadaha Mareykanka laftooda iyo shacabka, marka qiimaha ay kor u qaadaan canshuurahan la soo rogey.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay