Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ambo ee Gobolka Oromia ayaa sheegaya in dagaal la isku riiqday uu habeenimadii xalay ahaa kadhacay magaalada Ambo, waxaana lasheegayaa in dagaalka oo wali socda uu khasaare aad ubadan gaystay.

Sida xogta aan kuhelayno dagaalkan oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa udhaxeeya ciidanka gaarka ah ee Agazi ga looyaqaano oo weerarka wada iyo ciidanka Booliiska Oromada oo shacabka Oromada garab kahelaya.

Dagaalka ayaa lasheegayaa in uu bilowday kadib markii ciidanka Booliisku ay u adkaysan waayeen dhibaataynta qaawan ee ciidanka Agazigu ay shacabka kuhayaan, waxaana lasheegayaa in Booliisku ay dagaalka kahor digniin udireen ciidanka kooxda TPLF ay samaysatay ee Agaziga.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa lasheegayaa in uu dhaliyay khasaare aan wali lasoo faah faahinin, warka ayaa intaas kudaraya in ciidamadu ay wali isku hor fadhiyaan gudaha maaalada Ambo isla markaana lamaqlayo rasaas goos goos ah oo wali dhacaysa.

Goob jooge kusugan magaalada Ambo ayaa sheegay in saacad kasta lafilan karo dagaal wayn oo labadan ciidan dhex mara, maadaama oo isku magaalo ay joogaan, waxaana macquul ah in ay dagaaladu kufidaan deegaano kale oo Oromia kamid ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay