Waxaa xaflad loogu baroor diiqayay maalinta xasuuqa Ogadeniya lagu qabtay gobolka Taxes ee wadanka Maraykanka gaar ahaana faraca Nagodoches, kulan ayaa waxaa soo abaabulay jaaliyada Ogaadeniya ee ku dhaqan Nagodoches waxaana kaso qayb galay xubnaha Jaaliyada.

Kulankan ayaa waxaa lagu furay sidii caadada inoo ahayd wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah, shirka ayaa waxa furay intaas kadib gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya Nagodoches Halgame Saxane wuxuuna ka jeediyay qudbad dheer oo uu kaga waramaayay maalintan ay xusayaan oo guud ahaan ba shacabka Ogadeniya ay ka xusaan dunida dacaladeeda sanad walba bisha Labaad.

Gudoomiye saxane ayaa sidoo kale wuxuu xubnaha uga war bixiyay marxalada halganka Ogaadeniya uu maraayo, gumaysiga Itoobiya ee gabalkiisii dhacay wuxuuna ugu baaqay dhamaan kasoo qayb galayaashii inay la jaan qaadaan marxalada halganka sidoo kale ay ka war hayaan is badal siyaasiga ee ka imaanaya geeska Afrika.

Waxaa sidoo ayaguna dhankooda ka hadlay xubno badan waxaana la is waydaarsaday fikro iyo aragtiyo wax ku,ool ah kuwaas oo lagu xoojin hayo halganka Ogaadeniya ee JWXO hormuudka u tahay.

Shirka ayaa gabagabdii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay in la sii xoojiyo halganka sido kale xubnaha ayaa balan qaaday inay hiil iyo hoo ba la garab taagan yihiin Haganka Jwxo hormuudka u tahay.

ONA/Taxes.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay