Ciidamada dowlada Suuriya ayaa la sheegay in ay duqeyn la beegsadeen Kolonyo gaadiid ah oo gargaar u siday deegaanka go’doonka ku jira ee bariga Quta, gaadiidkaasi oo ay lahayd hay’ada bisha Cas.

Gargaarkan ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo deegaankaasi gaadha, afartan gaadhi oo nooca xamuulka qaada ah ayaa daawo iyo gargaarka deg dega ah u waday shacabka ku dhibaataysan dhulka dagaalku ka socdo, waxaana shalay u ogolaaday in ay halkaasi tagaan dowlada Suuriya.

Balse shaqaalaha gargaarka ayaa ku khasbanaaday in halkaasi dib uga noqdaan, kadib markii duqeyn lagu bilaabay deegaankii ay ku dajinayeen rarkii iyo mucaawinadii ay sideen, taasi oo ku khasabtay in ay dib uga soo baxaan deegaankaasi iyagoo aan gargaarku gaadhin inta badan goobihii ay doonayeen.

Ciidamada Dowlada Suuriya ayaa gaadiidkan intii aysan u fasaxin inay galaan bariga Quta, ka dajiyey gargaarkaasi dhamaan qalabkii caafimaadka ee loogu talo galay qaliinka deg dega ah, maadaama ay dad badan oo dhaawac ah ku jiraan xaafadaha ay duqeyntu ku socoto.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay