Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada wayaanuhu ay wadaan qorshe balaadhan oo ay dadka deegaanka hubka kaga dhigayaan iyaga oo adeegsanaya awoodooda ciidan.

Sida xogta aan kuhelayno taliska wayaanaha ayaa ciidanka gumaysiga ee Gobolka Axmaarada ku amray in ay mudo kooban hubka kaga dhigaan dadka beeralayda ah ee kudhaqan dhulka miyiga ah ee Gobolka Xabashida.

Dhinaca kale dadka beeralayda ah ee Xabashida ayaa bilaabay abaabul xoogan oo ay kaga hortagayaan qorshaha taliska wayaanaha iyo ciidamadiisu ay wadaan, waxayna wacad kumareen in ay naftooda iyo maalkooda difaaci doonaan dacarna haka khadhaadhaatee.

Goob jooge kusugan Gobolka Axmaarada ayaa warfidiyeenka usheegay in guud ahaan Gobolka Axmaarada ay soo food saartay xaalad adag, wuxuuna goob jooguhu sheegayaa in goor kasta uu dhici karo dagaal culus oo faraha lagaga gubto.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.