Wararka naga soo gaadhaya wadanka gacanta gumaysiga kujira ee Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo loogaystay dadka shacabka ah ee ku dhaqan wadanka Ogadenia, warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa faah faahin kabixinaya tacadiyo kala duwan oo isugu jira xidhay, kufsi iyo jidh dil waxayna udhaceen sidan.

4/3/18 Tuulada Cadalay oo Dagmada Qabridahare katirsan waxay ciidanka cadawgu kufsi iyo xidhay isugu dareen gabadha lagu magacaabo Xabiiba Cali Xassan, sidoo kale ciidanka cadawga ayaa xabsiga dhigay Ismaaciil Ow Jibriil.

Sidoo kale ciidamada aan akhlaaqda lahayn ee wayaanaha ayaa deegaanka Aydaba kujidh dilay wiil lagu magacaabo Dhagoolle Xassan Cabdi kaas oo sida lasheegayo aad loo jidh dilay.

Sidoo kale Deegaanka Ulaag oo Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob katirsan waxaa lagu xidhay gabdhaha kala ah
1 Nimceeya c/raxmaan wali
2 Ikhyaar cabdicasiis.

Dhinaca kale ciidanka wayaanaha ayaa Tuulada Xaaji Faarax oo Dagmada Gaashaamo katirsan ku dhaawacay nin shacab ah oo wali magaciisa aanaan helin.

Sidaas silamid ah ciidanka wayaanaha ayaa Abaaqorow ku xidh xidhay dadka kala ah
1 xaashi cabdi qarayare
2 ibraahim cabdulaahi cabdi
3 axmed sagal cabdi guray.

5/3/18 Dagmada Goday waxay ciidanka gumaysigu ku xidh xidheen dadka kala ah
1 bashiir suldaan ibraahim
2 axmed maxamed dayib
3 ikraan shariif maxamed
4 cawaale macalim maxamed
iyo waliba 7 qof oo kale oo shacab ah.

Isla taariikhdaas ciidanka wayaanaha ayaa Dagmada Qabridahare ku xidh xidhay dadka kala ah
1 cali xaaji ibraahim
2 bacardhe jihaad cabdile fiixiye
3 cabdi cabdulaahi
4 cabdi dable
5 amar xaaji
6 maxamed macalim guhaad.

Sidoo kale ciidanka dhaqanka xun ee wayaanaha ayaa Lehelow oo Wardheer katirsan ku xidh xidhay dad shacab ah oo 80 qof kor udhaafaya.

Ciidanka wayaanaha ee kusugan wadanka Ogadenia ayaa lasheegayaa in ay bilihii lasoo dhaafay wadeen qorshayaal shacabka kadhan ah oo ay doonayaan in ay kudhibaateeyaan.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.