Wararka naga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in gabi ahaanba wadanka ay kabilaabatay shidaal la’aan aad uwayn, waxaana suuqyada magaalooyinka lagu arkayaa safaf aad udhaadheer oo ay gaadiid laydu ugu jiraan si ay uhelaan woxoogaa shidaal ah.

Shidaal la’aanta laga dareemay guud ahaan wadanka gumaysiga ayaa timid xili ururada dhalin yarada ee qoomiyadaha Oromada iyo Axmaaradu ay soosaareen go’aano kadhan ah shirkadaha shidaalka ee taliska wayaanuhu uu leeyahay iyo waliba kaalimaha shidaalka ee kooxda TPLF ay ku ganacsan jirtay.

Dhinaca kale waxaa maalinta bari ah oo Talaado ah guud ahaan wadanka kahirgalaya amarkii ururada dhalinyarada ee QEERRO iyo FANA, kaas oo dadwaynaha lagaga codsaday in ay weerar kuqaadaan shirkadaha taliska wayaanaha u adeega gaar ahaan kuwa shidaalka wadanka soogaliya.

Goob jooge yaal kusugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in mudo yar kadib amarkii dhalinta kasoo baxay uu joogsaday soogalitaankii shidaalka ee wadanka dibada ooga imaan jiray, waxaana hal maalin uun kadib bayaankii dhaliyarada siwayn loodareemay shidaal yari wadanka kajirta.

Booyadaha shidaalka keena ayaa lasheegayaa in ay gabi ahaanba ka istaageen wadamadii ay shidaalka kasoo qaadi jireen ee Sudan, Kenya, Somalia iyo Jabuuti kuwaas oo maalinkasta ay kasoo gali jireen kumanaan booyadood oo shidaal sida.

Dadka gaadiid layda ah ee wadanka gumaysiga Itoobiya kusugan ayaa sheegaya in magaca shidaalka lawaayi doono kadib markii howlgalada kacdoon wadayaashu ay bilowdaan, waxaana guryaha lagu xarayn doonaan malaayiin baabuur ah oo guud ahaan wadanka kashaqaysa

dhalinta Qeerro iyo FANA ayaa dhankooda balan qaaday in ayiska difaaci doonaan ciidamada gaarka ah ee Agaziga kuwaas oo isku dayaya in uu shidaalku wadanka soogalo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.