Ciidamada Turkiga ayaa gaadhay duleedka magaalada Afrin ee Waqooyiga Suuriya oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Kurdida.

Magaalada Afrin oo ah magaalada ugu weyn ee Kurdida maamulaan waqooyiga Suuriya ayaa waxaa hada ku sugan in ka badan 1 milyan oo qof oo ay ku jiraan qoysas badan oo kasoo baro kacay deegaanada kale oo ay ku dagaalameen ciidamada Turkiga ee gudaha usoo galay Suuriya iyo kooxda YPG ee Kurdida.

Militariga Turkiga oo hawlgalka ay ka wadaan Waqooyiga Suuriya bilaabay 20kii bishii Janaayo ayaa hada 5km u jira magaalada Afrin, sida uu sheegay Madaxweynaha Turkiga Erdogan. Wuxuu sheegay in ciidamadiisa aysan dooneynin in ay magaalada Afrin Qabsadaan balse ay doonayaan in ay Xoreeyaan. Erdogan ayaa sheegay in ciidamadiisa ay illaa iyo hada gacanta ku dhigeen 950km oo ka tirsan waqooyiga Suuriya .

Balse shacab badan oo ku dhaqan magaalada Afrin oo ah Kurdida ayaa sheegay inay dhex geli doonaan labada ciidan ee is horfadhiya, iyagoo sheegaya inaysan dooneynin wax dagaal ah oo dhulkaasi ka dhaca. Macada in ciidamada Turkida ay hawlgalkooda qabashada Afrin ku joojin doonaan maadaama shacabka deegaankaasi sheegeen inay xidhi doonaan dhamaan wadooyinka magaaladaasi taga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.