Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya qorshe balaadhan oo kooxda TPLF tu ay kudoonayso in ay kucimri dheeraysato, isla markaana shacabka kudhibaatayso.

Xog hoose oo soo gaadhay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in kooxda TPLF ay bilowday qoraalka ciidamo badan oo kasoo jeeda beesha Tigreega, kuwaas oo ladoonayo in ay hantaan amaanka xili horaba faraha kabaxay ee wadanka Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda ayaa qaybtii ugu horaysay ee ciidanka gaarka ah kuxeraysay xero tababar oo kutaala Gobolka woqooyiga Itoobiya kuyaala ee Tigrey, waxaana lasheegayaa in laqorayo ciidan kale oo lagu biiriyo kuwa hada tababarka loofuray.

Arintan ayaa kadambaysay kadib markii taliska wayaanuhu uu waayay cid ka amar qaadata, waxaana in dhawaalaba jirtay amar diido xoogan oo ka imanaysay dhinaca ciidamada uruuriska ah ee qoomiyadaha kala duwan laga keenay.

Taliska wayaanaha ayaa bilaabay kadib markay xaaladu kuxumaatay uruurinta ciidan gaar ah oo u shaqeeya sida kuwa Agaziga looyaqaano oo qudhoodu qoomiyada Tigreega kasoo jeeda waxaana ciidankan loo tababarayaa qaab gaar ah oo gumaadka shacabka loogu tala galay.

Isku soo wada duub oo waxaa maalinba maalinta kadambaysa sii kordhaya burburka iyo kala yaaca wadanka gumaysiga Itoobiya, wuxuuna talisku kuwaashay qorshayaal madhalays ah oo aan waxba soo kordhinaynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.