Wararka naga soo gaadhaya gobolka Shiniile ee dalka Ogaadeniya ayaa waxay sheegayaan in uu ka bilawday gobolkaas iska caabin xoog badan oo ay bilaabeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Shiniile, iska caabintan ayaa waxay bilaabatay kadib markii gumaysiga Itoobiya uu sii laban laabay dhibaatadii uu ku hayay dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka gaar ahaana tuulooyinka dhawaan sida xaq darada ah loo hoos geeyay maamulka Canfarta.

Sida warku nagu soo gaadhay dad shacab ah oo iskood isu abaabulay ayaa ka hor tagay koox kamida ciidanka woyaanaha oo duulimaan ku ahaa inay wax yeeleeyaan shacabka ku dhaqan tuulada Cadaytu oo kamida tuulooyinkii sida xaq darada ah loo siiyay maamulka Canfarta.

Ciidanka Woyaanaha ayaa waxay jidh dil u gaysteen dad badan oo shacab ah sidoo kale waxay xabsiga u taxaabeen qaar kamida shacabkii iska caabinta sameeyay waxaana nasoo gaadhay qaar kamida magac yadooda waxaana kamid ahaa.
Ceeleye Axmed.
Xussein cumar.
Daahire Furee.
Maryam cige.
Cilum cumar.
Mumin cumar.
Jamaca xassan bou.

Xukuumada Woyaanaha ayaa waxay guud ahaanba la daalaa dhacaysaa kacdoono ay kala soo hor jeedaan shucuubaha kala duwan ee ku hoos nool xukunka macangaga ah ee kooxda TPLF waxayna ka socdaan sidoo kale inta badan dhulka Axmaarada iyo Oromada.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa.

ONA/Shiniile.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.