Kongareeska dalka China ayaa Axadii u codeeyey sharci cusub oo u ogolaanaya Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa in ay xilka hayaan inta ay nool yihiin.

Sharcigan cusub ee la hordhigay Kongareeska China ayaa ah mid uu doonayo Madaxweyne Xi Jinping inuu xilka ku kororsado kuna balaadhiyo awoodiisa.

Xi Jinping oo hogaanka u qabtay halka xisbi ee ka taliya dalkaasi China sanadkii 2012 ayaa waday qorshe siyaasadeed oo uu sanadihii lasoo dhaafay ku balaariyey awooda uu ku dhex leeyahay xisbiga shuuciga ah ee dalkaasi ka taliya.

Ergada Kongareeska ee shalay u codeeyey sharciyadan cusub ayaa gaarayey 2,963 waxaana ansixiyey sharcigan cusub 2,958, waxaa ka aamusay sadex xubnood halka ay diideen labo xubnood oo kaliya.

Dowlada China ayaa sanadihii 80kii xadeeyey inta jeer uu xilka qaban karo Madaxweynaha, wuxuuna wakhtiga uga ekaa Madaxweyne Xi Jinping sanadka 2023, balse hada ayuu awood u helayaa inuu xukunka siihayo inta uu nool yahay.

Bedalaada shuruucda xadeenayey wakhtiga uu xilka heyn karo Madaxweynaha ayey xukuumada si qarsoodi ah ugu dartay qodobada sanadkan Kongareeska u codeenayey iyagoo ka dhigay qodobka 14aad, balse isbedalkan sharciga lagu sameeyey ayaa la ogaaday 25kii bishii Feberaayo markii saxaafada lagu shaaciyey dhamaan qodobada cusub ee sharciga dalkaasi lagu darayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay