Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu sidii loogu talagalay usocdo howlgalkii dhaqaale burburinta ahaa ee loogu talagalay in lagu wiiqo awooda xukuumada dhiig miiratada ah ee wadanka sida aan sharciga ahayn u maamusha.

Waxaa inta badan wadanka kahir galay weeraradii iyo xanibaadii lagu hayay shirkadaha shidaalka keena wadanka ee uu samaystay taliska wayaanuhu, waxaana daafaha wadanka kabilowday beegsiga booyadaha shidaalka qaada.

Dhinaca kale gudoomiyaha shirkadaha shidaalka qaada Tadessa Hailemariam oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in shidaal wadanka kufilan uu yaalo balse lawaayay gaadiidkii sooqaadi lahaa, kuwaas oo kabaqay in dhibaato loogaysto waasida uu hadalka udhigay e.

Tadessa Hailemariam oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in wadanka looga baahan yahay 1.5 milyan oo litir oo shidaal ah maalinkasta, taas oo kadhigan in wadanku uusan u adkaysan doonin cunaqabataynta ay wadanka kusoo rogeen dadka shacabka ah ee kacdoon wadayaasha ah.

Dhinaca kale kooxda wadanka xooga kumaamusha ayaa shirkadaha shidaalka ku amartay in ay howlaha sidoodii uwataan, amaanka baabuurtooda iyo naftoodana ay xukuumadu balan qaadayso, taas oo micnaheedu uu yahay in iska hor imaad wayn uu ka dhex bilowdo shirkadaha shidaalka qaada iyo dhalinta cunaqabataynta kusoo rogtay.

Sidoo kale xog rasmi ah oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in kacdoon wadayaashu ay diyaarinayaa qorshe ay kubeegsan doonaan shirkada korantada ee wadanka gumaysiga taas oo kamid ah shirkadaha dhaqaalaha ugu badan uu xukuumada wayaanaha kasoo galo.

Shirkada korantada ee Itoobiya ayaa kamid ah shirkadaha ugu waawayn ee wadanka waxaana lafilayaa in beegsiga shirkadaas uu xukuumada wayaanaha kajari dooni xidid wayn oo halbowle ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay