Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku goodiday in ay samaysan doonto hub nukliyeer ah haddii Iiraan oo ay gobolka isku hayaan ay samaysato hubkaas.

Dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa warbaahinta Maraykanka laga leeyahay ee CBS News u sheegay in dalkiisu uusan rabin in uu samaysto Nukliyeer.

Iiraan ayaa xaddiday barnaamijkeeda Nukliyeerka sannadkii 2015-kii, ka dib markii ay heshiis la gashay qaar ka mid ah dalalka ugu ugu awoodda wayn caalamka – balse madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu heshiiskaas ka bixi doono.

Sacuudi iyo Iiraan ayaa wakhti dheer isku hayay Bariga Dhexe iyaga oo kala hoggaamiya Sunniyiinta iyo Shiicada, sida taariikhda lagu hayana waxay kala taageeri jireen dhinacyada isku qabta gobolkaas.

Sannadihii dambana waxaa sii xoogaystay xiisadda u dhaxaysa tan iyo wixii kadambeeyay dagaaladdii ka billawday Suuriya iyo Yemen. Dhaxal suge Maxamed Bin Salman ayaa sidoo kale ah wasiirka Difaaca ee Sacuudi Carabiya, wuxuuna hadalkaas ka sheegay mar uu waraysi siinayay barnaamijka 60 Minutes ee ka baxa CBS.

Wuxuu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay sababta uu bishii Nofeembar Ayatollah Cali Khamenei ugu tilmaamay “Hitlerka cusub ee Bariga Dhexe”.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay