Xildhibaan katirsan Baarlamaanka wadanka Maraykanka ayaa bartiisa Twitter ka kusoo qoray in qaraarkii xukuumada wayaanaha kadhanka ahaa ee mar hore baarlamaanka Maraykanka lahorgeeyay laga doodi doono 9ka bisha April ee soosocota.

Mike Coffman oo kamid ah xubnaha soo diyaariyay qaraarkan kadhanka ah ee xukuumada wayaanaha ayaa sheegay in horaanta bisha April la ansixin doono qaraarka uu tirsigiisu yahay HR RTB oo mar horaba lagu waday in la hordhigo xubnaha baarlamaanka Maraykanka.

Qaraarkan ayaa hadii la ansixiyo xukuumada wayaanaha dhabar jab kunoqon doona waxaana lafilayaa in laga qaadi doono talaabooyin dhowr oo hada ay adag tahay in laga qaado taliska wayaanaha.

Taliska wayaanaha ayaa hadii qaraarkan la ansixiyo laga xanibi doonaa lacagaha kayaala wadanka dibadiisa, sidoo kalana waxaa la xayiri doonaa socdaalka saraakiisha wayaanaha iyo waliba xaasaskooda.

Qaraarkan ayaa lagu wadaa in uu taliska wayaanaha kadhigi doono mid dunida inteeda kale argagixiso ka ah, isla markaana laga qaado talaabooyin cad cad oo hada ay adag tahay i laga qaado maadaama oo ay haystaan xasaanadii dowlad nimo.

Sidoo kale siyaasiga caanka ah ee Herman J. Cohen ayaa bartiisa Twitter ka kusoo qoray in xukuumada wayaanuhu ay kufashilantay siyaasadeeda arimaha dibada iyo waliba gudaha, wuxuuna sheegay in ay khaladaad badan wayaanuhu galayaan.

Siyaasigan oo kooxda TPLF sagaashamaadkii keenay wadanka ayaa hada sheegay in kooxda TPLF ay kubeen abuuranayso dowlada Eritrea oo ah dowlad aan daandaansiga aqoonin waa sida hadalka uu udhigay e.

Isku soo wada duub oo waxaa isasoo taraya eedaynta loojeedinayo taliska wayaanaha waxaana muuqata in siyaasada wayaanuhu ay siixumaanayso.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay