Waxaa magaalada Musawac ee dalka Eritrea ka qabsoomay, shir si heer sare ah ay usoo abaabuleen jaaliyada Somalida Ogadeniya ee xerada qaxootiga ee Emukulu wadanka Eritrea, Shirkaas waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada sida ururka hooyooyinka, ururka dhalinyarada ee OYSU, ururka Culimaa-udiinka(UCSO) iyo
wax garadka soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay shirka wafti balaadhan oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha JWXO Admiral Mohamed Omar Osmaan, waxaana waftigaas ka mid ahaa Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Dibada Ee JWXO halgame Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi maaday iyo Halgame Faysal daahir, shirka waxaa lagu bilaabay aayado ka mid ah qur’aanka Kariimka ah iyo wacdi diini ah uu soo jeediyey sheikh Nuur ugaas.

Intaas kadibna mudane muxiyadiin sheikh cabdi ayaa ugu horayn ku soo dhaweeyey gudoomiyaha jaaliyada Ogadeniya Ee Musawac mudane Irshaad Maxamed gudoomiyaha ayaa waftiga uga warbixiyey xaalada jaaliyada & hawlaha ay qabtaan, kadibna waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Dibada JWXO Mudane Abdirahmaan Sheekh Mahdi maaday oo ay dadwaynuhu sugi kari la,aayeen khudbadiisa.

Halgamaagu wuxuu warbixin cilmiyeysan ka bixiyey xaalada kala guurka ah ee guumaysiga Itoobiya sida kacdoonada shacabka ee dalka hadheeyey, sababta keentay in uu iscasilo raysal-wasaarihii maqaar saarka ahaa Itoobiya Haille Mariam dhaqaale xumida dalka ku habsatay, inta ay le’egtahay rajada laga qabo in dalka xasilooni lagu soo dabaalo iyo mustaqbalka kooxda EPRDF ee dalka xooga ku maamulaysay 26 kii sanadood ee ugu danbaysay.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay wadahadaladii dhawaanta JWXO iyo xukuumada guumaysiga Itoobiya ku dhaxmaray Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay in ayna JWXO marnaba ka tanaasulaynin mawqifkeedii ahaa in ay aayo katalin buuxda gaadhsiiso shacabkeeda islamar kaasna asbaabaha JWXO loo aas aasay ka mid tahay xornimo gaadhsiinta shacabkeeda sifo kasta iyo dariiqkasta oo loo mari karo aayo katalinta shacabka Sidoo kale wuxuu amaanay doorka ay jaaliyada Soomaalida Ogadeniya ee Eritrea ay kaga jirto halganka dalka lagu xoraynayo ee ay hormuudka u tahay JWXO.

Intaas kadib, waxaa si diiran cod baahiyaha loogu soo dhaweeyey gudoomiyaha JWXO Admiral Maxmed Omar Osmaan oo ka hadlay xaalada guud ee wadanka Ogadeniya, mida guumaysiga Itoobiya iyo guud ahaanba xaalada geeska Africa, wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in maanta la joogo wakhtigii ay shacabka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen cadawgooda soo jireenka ah ee gabalkiisii sii dhacayo, si mar kale ayna inoo dhaafin ayuu yidhi fursadaha ka jira Itoobiya kuwaas oo ah kuwo aynu ku qabsan karno dalkeena.

Gudoomiyuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay maxaabiistii dhawaanta la lahaa waa la siidaayey, wuxuuna sheegay in ay arintaasi tahay waxba kama jiraan islamarkaasna uu guumaysiga iyo canaasiirta uu ku adeegto rabaan in maxaabiistaas ay siyaabo kale duwan u isticmaalaan, xaalada geeska Africa gaar ahaan Itoobiya ayuu sheegay in is badalo waawayn ay ka jiraan islamarkaasna ay shucuubtii kala duwanayd ee gumaysiga wayaanaha ku hoos jirtay ay diideen maamulka kooxda dhiig-miiratada ah ee TPLF dadwaynihii ka soo qayb galay shirka ayaa madaxda JWXO waydiiyey su’aalo badan oo ku saabsanaa xaalada Itoobiya, wadahadaladii iyo arimaha soomaaliya, kuwaas oo dhamaantood ay madaxdu si waafi ah uga jawaabeen

Kooxda Gurmad qaran ayaa soo bandhigtay suugaan halgameed aad loola dhacay ugu danbayntiina shirkaas oo socday mudo saacado ah waxyaabo aad u badana laysku dhaafsaday ayaa ku soo dhamaaday waji farxad iyo rayn rayni ay ka muuqato.

ONA/Mosawac.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay