Waxaa maanta oo Khamiis ah taarikhduna kubeegantahay 22/03/218 shirwayne isugu yimid ururka Culimada somalida Ogadenia UCSO laantiisa IFO waxayna shirkan kudoorteen maamul cusub .

Shirkan oo kakoobnaa dhawr qaybood ayaa ugu horayn lagu daah furay wacdi diini ah oo aad dheer kadibna waxaa kulanka qaybtiisii hore lagu kala qaatay warbixino kala duwan waxayna maamulkii xilka soo hayay madasha kusoo bandhigeen wixii uqabsoomay mudadii ay xilka hayeen.Waxaa xusid mudan in ay kulanka kasoo qayb galeen Marti sharaf kala duwan oo ay ugu horeeyaan maamulka sare ee UCSO heer aduun .

Qodobo dhawr ah oo laga dooday kadibna waxaa kulanka hogaankiisa lagu wareejiyay gudiga farsamada ee soo qorsheeyay habka doorasho ee lagu xulanayo maamulka cusub ee larabo in ay xilka lawareegaan mudada soo socota waxaana goobta lagu doortay 7dobo xubnood oo kakooban gudoomiye iyo gudigii lashaqayn lahayd.

Intaa kadib waxaa lagudo galay akhrinta qur’aanka kariimka ah oo qayb ka ahaa kulanka waxaana madasha lagusoo khatimay qur’aan aad utiro badan oo ilahay loogu baryayay in uu ugu gargaaro shacabkiisa muslimiinta ah ee dulman ugana hiiliyo gumaysiga mudada dheer dulsaaran.

Abdullahi Calanside.
ONA/IFO.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay