Dowlada India ayaa sheegtay in shan askari oo kamid ah ciidamadooda lagu dilay iska hor imaad ka dhacay dhulka kaymaha ah ee Kupwara oo ku yaala xuduuda u dhaxeysa Pakistan iyo India.

Dagaalkan ayaa sidoo kale la sheegay in lagu dilay shan dagaalyahan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin xoogaga u dagaalama Madax banaanida dhulka Kashmir. Todobaadyadii lasoo dhaafay ayey mar kale dib usii xoogeysatay xiisada ka dhex taagan labada dal ee Pakistan iyo India oo kala maamula labada qeybood ee Gobalka Kashmir oo ay isku heystaan.

India ayaa ku eedaysa in maleeshiyaadka dowlada Pakistan soo tababarto ay sii xoojiyeen weerarada ay ka geysanayaan dhinaca dhulka ay Hindiya maamusho. Axadii lasoo dhaafay ayey dad rayid ah wax ku noqdeen kadib markii ciidamada Pakistaan madaafiic ku tuureen dhinaca India maamusho.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay