Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay wadaan olole ka dhan ah Ruushka taasi oo ay huriyeen Britain iyo Mareykanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa ka dib markii Midowga Yurub ay dib ugu yeedheen safiiradoodii Moscow, waxa ay sheegtay wasaaradu in xukuumadaha London iyo Washington ay isku dayayaan in ay ka hortagaan xaaladda soo hagaagaysa ee qaaradda Yurub.

Dhanka kale wadamada xubnaha ka ah midowga Yurub ayaa ka baaraandagaya in dublamaasiyiinta Ruushka ay dalalkooda ka caydhinayaan iyo in kale. Ururka midowga Yurub ayaa waxa ay si adag uga jawaabeen isku daygii dil ee nin horey uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka oo ku sugnaa dalka Britain.

Midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen in xukuumadda London ay ku raacsan yihiin in ay aad u sareyso suurtagalnimada in Ruushka ay fuliyeen weerarkaasi. Midowgga Yurub ayaa waxa ay sidoo kale dib ugu yeedheen safiiirkii u fadhiyay magaaladda Moscow.

Xukuumadda Moscow ayaa canbaaraysay tallaabadan oo ay ku tilmaamatay mid dagaal. Britain iyo Ruushka ayaa goradda iskula jira ka dib markii ay UK ku eedeeysay Ruushka in ay ka dambeeyeen sumayntii nin horey uga tirsanaa sirdoonka Ruushka iyo gabadhiisa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay