Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa baddalay la taliyihiisii dhanka ammaanka qaranka oo noqonaya kii ugu dambeeyey saraakiil sar sare oo ka mid ah maamulkiisa oo shaqada ka tagay muddada 14 kii bilood ee uu xilka hayo.

Habeenkii Khamiista ayuu bartiisa Tweeterka ku qorey Trump, in Jeneral HR McMaster uu xilka ku wareejin doono John Bolton oo ahaa safiirkii hore ee Mareykanka ee Qaramada Midoobay (Q.M), oo haddana u ah Tv-ga Fox New falan qeeye siyaasadeed.

Saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump iyo McMaster ay isku raaceen in sarkaalkan sare ee muddada ku soo jirey ciidamada uu shaqada ka tago isla markaana uu howlgab galo. McMaster ayaa ku sheegey war qoraal ah oo uu soo saaray in 34 sano ka dib oo uu qarankan u shaqeynaayey uu howlgabnimo weydiisan doono ciidamada Mareykanka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay