Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu gabi ahaanba burburay shirkii kooxda magac uyaalka ah ee EPRDF baryihiin aan soo dhaafnay uga socday magaalada Addis Ababa.

Sida xogta aan kuhelayno shirkii EPRDF ayaa natiijo la’aan kudhamaaday kadib markii garabyadii ururku ay isku maandhaafeen habkii loosoo magacaabi lahaa raysal-wasaaraha cusub ee wadanku uu yeelan lahaa iyo waliba garabkii talada wadanka qaban lahaa.

Garabyada 4ta ah ee kujira isbahaysiga EPRDF ayaa lasheegayaa in midkasta uu hunguri kahayo qabashada xilka raysal-wasaare nimo iyo waliba, taas oo keentay in uu adkaado magacaabista ninkii badali lahaa raysal-wasaarihii maqaar saarka ahaa ee is casilay Hailemariam Desaleng.

Kooxda TPLF oo iyadu isku waday qabashada xilkaas ayaa lasheegayaa in ay qorshahoodii badaleen kadib markii qoomiyada Oromadu ay ka hor istaagtay in qoomiyada Tigreegu ay qabato xilkaas, waxayna Tigreegu bilaabeen isbahaysi iyagoo sheegay in raysal-wasaaraha cusub laga dhigo qof kasoo jeeda ururka ANDM ee Axmaarada ah.

Kooxda qowlaysatada ah ee TPLF oo qabashada xilkan udiidan ururka OPDO ee Oromada ah ayaa soojeediyay in raysal-wasaare laga dhigo Demake Makonen oo Xabashi ah halka raysal-wasaare kuxigeena ay usoo qaateen Sheferow Shigute oo kasoo jeeda Shucuubta Koonfureed ee Itoobiya.

Qoomiyada Oromada oo iyadu sheegtay in lajoogo xiligii ay Oromadu talada wadanka qabanlahayd ayaa siwayn uga hortimid soojeedinta qoomiyada Tigreega, waxayna carabka ku adkeeyeen in raysal-wasaaraha cusub ee wadanku uu noqonayo Abiye Axmed oo kasoo jeeda qoomiyada Oromada.

Qoomiyada Tigreega ayaa lasheegayaa in ay kudadaalayso sidii aysan Oromadu uqaban lahayn xilkaas waxayna aad uga baqayaan in lagula xisaabtamo xadgudub yadii ay kusameeyeen qoomiyada Oromada iyo qoomiyadaha kale ee ay gumaystaan.

Iskusoo wada duub oo kooxda talada wadanka sheegata in ay maamusho ee EPRDF, ayaa awoodi wayday in ay soomagacaabaan qofkii wadanka raysal-wasaare kanoqon lahaa, waxayna kooxdu mar kale dhaxashay khilaaf dhex dooda ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay