Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Moyale ee Gobolka Oromia ayaa sheegaya in gabi ahaanba ciidankii Agaziga laga saaray gudaha magaalada Moyale ee dhacda xuduuda Kenya iyo Itoobiya.

Sida xogtu ay nagu soo gaadhay ciidanka Agaziga ee qabiilka Tigreega ku abtirsada ayaa magaalada laga saaray kadib dagaal khasaare badan dhaliyay oo deegaankaas ku dhexmaray dadka shacabka ah ee magaalada dagan iyo ciidanka doolka kujooga ee Agaziga.

Dagaalka dhexmaray labada dhinac ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac aad ubadan oo labada dhinac ah, iyo waliba in kabadan 50 kun oo shacabka Oromada ah oo u qaxday wadanka dariska ah ee Kenya.

Warka ayaa intaas kudaraya in go’aanka ciidanka wayaanaha lagaga saaray magaalada Moyale ay gaadheen Odayaasha qabiilka Oromada ee looyaqaano Aba-gadha, kuwaas oo xukuumada wayaanaha usheegay in xalku uuyahay ciidanka Agaziga oo magaalada laga saaro.

Odayaasha Aba-gadha oo awood aad ubadan kudhex leh shacabka Oromada ayaa lasheegayaa in ay xukuumada wayaanaha kuqasbeen go’aankoodii ahaa in ciidan beeleedka Agaziga looyaqaano laga saaro deegaanka ay mashaqadu kadhacday ee Moyale.

Amaanka magaalada ayaa lasheegayaa in lagu wareejiyay maleeshiyaadka Oromada ah ee looyaqaano Layuu Police-ka iyo waliba kuwa Booliiska deegaanka ee kasoo jeeda isla qoomiyada Oromada.

Wixii kasoo kordha xaalada Moyale iyo amaanku sida uu noqdo kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay