Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay ayaa xalay oo Axad ahayd bishuna ku beegnayd 25/03/2018 ka dhacday  GWM-1 oo ah  Gole wayn oo ay xubnaha JWXO leeyihiin, xafladan oo ahayd mid loo qabtay Abwaanada ree Ogadeniya ayaa bilaabatay 9:00 PM ee fiidnimo saacada Bariga Africa soona xidhantay 1:00 AM ee habeenimo saacada Bariga Africa, munaasabadan oo runtii dareen shucuur xanbaarsan wadatay ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan, Abwaanada JWXO iyo madax Jabhadeed oo Gole Dhexe ah.

Ugu horayn waxaa xaflada furay gudoomiyaha golaha mudane halgame Liban Miyir Abdi (Kulmiye) wuxuuna u mahad celiyay dhamaan xubnihii ka sooqaybgalay munaasabada, gaar ahaan Abwaanadii iyo  madaxdii jabhadda iyo marti sharaftii kale, kadib wuxuu kusoodhaweeyay gudoomiyaha guud ee Ururka Culimo owdiidka Soomaalida Ogadeniya (UCSO) mudane halgame Sheekh Maxamed Irshad halkaas oo uu Sheekhu ka soo jeediyay wacdi diini ah oo dhinacyo badan taaban haya siiba taqwada Alle iyo inuu halganka Ogadeniya xaq yahay qof kasta oo Soomaali muslim ahna waajib ku yahay inuu hiil iyo hooba la garab istaago halganka, wacdigaas kadibna waxaa lasiiguda galay muhiimada xaflada.

Xafladan oo ahayd mid aad u qurux badnayd Ayaa waxaa Gabayo iyo Suugaan qiiro wadaniyadeed leh ka soo jeediyay Abwaanadii ka soo qaybgalay, iyadoo Shahaado-sharaf Jabhaddeed oo aad uqiimo badan la gudoonsiiyay Abwaanadii JWXO ee munaasabada ka sooqayb galay.

Guntii iyo gaba gabadii waxaa xaflada soo xidhay oo khudbad aad u wanaagsan soo jeediyay mudane halgame qaran masuul Eng.Haji Bisle, runtii waxay ahayd munaasabad aad iyo aad u heer saraysay dareen iyo shucuur gooni ahna la hayd waxayna ku soo xidhantahay farxad iyo guul.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay