Xubnaha Jaaliyada Ogadenia ee wadanka boqortooyada Sucuudiga ayaa isugu yimid kulan aad uheer sareeyay oo ay kasoo qayb galeen inta badan xubnaha Jaaliyada iyo qaar kamid ah madaxda JWXO.

Kulankan oo ahaa mid taariikhi ah waxaa kasoo qayb galay xubno kamid ah gudiga fulinta ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO, wuxuuna kulankan ahaa mid meel gooni ah kaga yaala xubnaha jaaliyada Ogadenia ee wadanka Sucuudiga.

Kulanka ayaa ugu horaynba kubilowday jawi dagan waxaana lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo waxdi diini ah, waxaana lasii guda galay ajandayaashii shirka oo aad ubalaadhnaa.

Ugu horaynba waxaa lagu soo dhaweeyay xoghayaha Golaha Dhexe ee JWXO mudane Xaaji Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) wuxuuna xaajigu siwayn uga warbixiyay marxalada uu kusugan yahay gumaysiga Itoobiya iyo guud ahaan gayiga geeska Africa.

Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyay Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Jaaliyaadka HAAJ mudane Xaaji Maxamed Rashiid Sh Cabdullaahi, wuxuuna hogaanku siwaafi ah uga warbixiyay marxalada uu halganka Ogadenia marayo iyo Jaaliyaadka JWXO ee aduunka.

Sidoo kale qaar kamid ah kaadirki iyo xubnihii kulanka kasoo qayb galay ayaa madaxda waydiiyay su’aalo faro badan oo ay tabayeen, waxaana dhamaan su’aalihii xubnaha kajawaabay madaxdii kulanka soo xaadirtay.

ONA Riyad.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay