Maalinimadii maanta ahayd taariikhduna kubeegnayd 25-03-18 waxaa xerada IFO ee Deegaanka Dhadhaab kulankoodii caadiga ahaa isugu yimid xubnaha Ururka midawga dhalinyarada & Ardayda S.Ogadenia ee OYSU .

Kulankan oo ahaa mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay inta badan xubnaha,hawlwadeenada ururka,maamulka faraca M-xorriyo iyo Marti sharaf kale oo ay kamid ahaayeen qayb kamid ah maamulka OYSU w/bari sida GARISSA iyo xagardheer .

Kulanka oo furmay Abaare 2:00pm ayaa sidii caadada ahaydba lagu daah furay aayado kamid ah Qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah waxaana intaas kadib kulanka lagu kala qaatay warbixino kala duwan oo lakala dhagaystay dhanwalba waxaana intaa wixii kadambeeyay lagudo galay muhiimadii kulanka loo qabtay iyo ajandihiisii qodobo dhawr ah oo si waafi ah looga dooday iyo fikir uruurin badan kadibna waxaa kasoo baxay ga,aamo muhiim u ah gabi ahaanba Halganka iyo shaqada gaarka ah ee OYSU waxaana markay qodobadii dhamaadeen midmid loogusoo dhaweeyay martidii goobta joogatay oo khudbado qali ah kasoo wada jeediyay kulanka.

Gabagbadii kulanka ayaa sinabad galiyo ah kusoo idlaaday wuxuuna kulanku soo xidhmay Abaare 5:00pm iyadoo dhamaan xubnihii goobta yimid ay wajiyo farxadeed isku sagootiyeen

Abdullahi Calanside
ONA/IFO.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay