Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu taliska wayaanuhu kalaabtay balanqaadkiisii ahaa in ay siidaynayaan maxaabiista siyaasada uxidhan iyo waliba kuwa howlaha kale loohaysto ee xabsiyada wadanka Itoobiya kabuuxa.

Sida xogta aan kuhelayno ciidanka Booliiska ee magaalada Addis Ababa ayaa lasheegayaa in ay qaqabteen qaar kamid ah maxaabiistii ay xukuumada wayaanuhu dhawaan sheegtay in ay cafis ufidiyeen kuwaas oo sida lasheegay isugu jira siyaasiyiin cul culus iyo wariye yaal magac leh.

Qof u hadlay ciidanka Booliiska wayaanaha oo magiciisa qariyay ayaa sheegay in amarka xubnahan lagu soo qaqabtay laga soobixiyay aqalka wadanka looga taliyo, wuxuuna ninkan magiciisa qariyay sheegay in ay haystaan amar ah in dib loosoo qaqabto dhamaan maxaabiistii dhawaan xabsiyada laga siidaayay.

Sida aan horaan idiinla wadaagnayba dhaqanka xukuumada wayaanaha ayaan ogolaanaynin in maxaabiis siyaasadeed oo iyaga uxidhan ay xoriyadooda usoo celiyaan bilaa shuruud, wuxuuna taiska wayaanuhu siwayn ugu fashilmay maxaabiistii Jeel-ogaadeen kuxidhnaa kuwaas oo xukuumada wayaanaha iyo kuwa u adeegaba ay sheegeen in lasiidayndoono balse beenowday.

Maxaabiista maanta xabsiga magaalada Addis Ababa dib loogu celiyay oo lagu eedeeyay in ay xubno ka yihiin Jabhada Ginbot 7 ayaa tiradooda lagu sheegay 11 xubnood waxayna kala yihiin
1 Eskander Nega
2 Fakadu Mahatem Warku
3 Tamasgan Desaleng
4 Andu’alam Arage
5 Adisu Getaneh
6 Mahalade Fantahun
7 Bafekadu Haylu
8 Yedinaqachew Addisu
9 Sentayow Chakuli
10 Tafara Tesfaye
11 Wayneshad Mola.

Xukuumada dhaqanka xun ee wayaanaha ayaa lagu wadaa in ay todobaadyada soosocda dib u xidh xidho dadka shacabka ah ee mar dhaw uun laga soodaayay xabsiyada dhaadheer ee wadanka Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay