Wararka aan kahelayno wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in khalkhalkii kooxda TPLF, uu gaadhay heer waali ah oo ay adagtahay in wax laga qabto ama xal laga gaadho.

Sida xogta aan kuhelayno taliska wayaanaha ayaa bilaabay in uu shirar uqabto dadwaynaha magaalada Addis Ababa, isagoo xaafad xaafad ushirinaya dadka shacabka ah ee magaalada Addis Ababa kudhaqan.

Warka ayaa intaas kudaraya in taliska wayaanuhu uu hadalo uu dadka kubeerlaxawsanayo kumadadaalinayo dadwaynaha, isagoo leh waxaa samaynaynaa isbadal macno leh oo dadku ay si siman uga wada faa’iidaysan karaan.

Saraakiisha wayaanaha ee kulamada qabanaya ayaa lasheegayaa in ay dadwaynaha kacodsanayaan in ay lashaqeeyaan si wadanka loogu soodabaalo nabad galiyo iyo hormar, waxayna saraakiishu sheegayaan in aysan waxba qaban karin shacabka la’aantii.

Dhinaca kale xukuumada wayaanaha ayaa wali dagaal adag kula jirta aalada Internet-ka oo ay u arkaan in uu yahay hubka ugu culus ee lagula dagaalamo xukuumadooda, waxaana lasheegayaa in ay talafeeshino badan joojiyeen shaqadii mar hadii aysan Internetkufilan.

Hase yeeshee dadka shacabka ah ee kacdoon wadayaasha ah ayaan iyagu waayin wax Internet ah, taas oo u fududaysay in ay si dhakhso ah ugudbiyaan warbixinadooda iyo wararkooda.

Khidka Internet-ka ayaa wadanka Ogadenia iyo guud ahaan Itoobiya ba kamaqan mudo dhowr bilood ah talaabadaas oo loogu talo galay in lagu curyaamiyo wariye yaasha iyo warbaahinta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay