Xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia, ee kahowl gala qaarada Yurub ayaa isugu yimid kulan aad muhiim u ah oo dhinaca khadka isgaadhsiinta kuqabsoomay.

Kulanka ayaa sidii caadada ahayd lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah, waxaana lakala qaatay warbixino dhaadheer oo mudane kasta wadanka uukunool yahay uu siwaafi ah uga warbixiyay.

Kulanka xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO ayaa diirada lagu saaray marxalada uu halganka hubaysan ee Ogadenia marayo iyo heerka ay gaadhsiisan tahay dhibaatada joogtada ah ee lagu hayo shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia.

Xubnaha Golaha Dhexe ee qaarada Yurub ayaa sidoo kale kadooday isbadalada geeska Africa kasocda iyo xaalada qalafsan ee xukuumada wayaanuhu ay kusugan tahay, waxayna xubnuhu isla qireen in Gobolka geeska Africa uu isbadal xoogan kusoo socdo.

Sidoo kale xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO ee qaarada Yurub ayaa isla sooqaaday sidii kor loogu qaadi lahaa howlaha halgan ee kasocda qaarada iyo sidii bulshooyinka kale loo dareensiin lahaa gumaadka kusocda shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia, iyo guud ahaan Soomaalida geeska Africa kudhaqan.

Dhinaca kale xubnaha Golaha Dhexe ee kulanka yeeshay ayaa dajiyay qorshihii gumaysiga siiliicaya lagu tikhaantikhin lahaa, waxayna fulinta qorshahan usaareen gudi gaar ah oo kashaqaysa midho dhalkiisa.

Ugu dambayntii kulankii xalay oo ahaa mid aad muhiim u ah ayaa kusoo dhamaaday siguul ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay