Sida ay warbaahinta caalamku sheegayaan 18 waddan oo ay ku jiraan Maraykanka, Canada iyo waddamada Midowga Yurub (EU) ayaa sheegay in ay waddamadooda ka caydhiyaan diblomaasiyiinta Ruushka ah qaarkood ee kusugan dalalkan.

Maraykanka ayaa sheegay in ay caydhinayaan ilaa 60 iskugu jira diblomaasiyiin iyo madaxda sirdoonka. Tallaabadan ayaa ah is-garab taag waddanka Biritan oo sheegay in ay u badan tahay in Ruushku uu ka dambeeyey sumayntii la isku dayay in lagu khaarajiyo nin basaas ah oo asal ahana kasoo jeeda Ruushka, Sergey Skripal iyo gabadhiisa oo lagu sumeeyay magaalada Salisbury 4-Maarso.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay