Wararka naga soo gaadhaya magaalada Debratabore ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya weerar dhimasho iyo dhaawacba gaystay oo kadhacay gudaha magaalada halkaas oo xiisad aad uxoogan laga soo sheegayo.

Sida xogta aan kuhelayno dhalinyaro abaabulan ayaa Bamka gacanta laga tuuro kuweerartay xarun ay saraakiisha wayaanuhu isugu yimaadaan, waxaana lasoo tabinayaa in ay dhinteen qaar kamid ah saraakiisha magaca leh ee wayaanuhu halka dhaawucuna uu xadka kabaxay.

Dhinaca kale dhalinyarada deegaanka oo aad u abaabulan ayaa weerar kuqaaday qaar kamid ah ciidanka wayaanaha oo magaalada dhex socda, waxaana lasheegayaa in ay kafaro maroojiyeem 3 qori oo nooca AK 47 ka looyaqaano ah.

Dhalinta abaabulan ee Gobolka Axmaarada ayaa wacad kumaray in ay qulqulatooyinka wadayaan ilaa iyo inta shacabka Axmaarada laga dhibaataynayo isla markaana ay ciidamada wayaanuhu kusugan yihiin Gobolka uu qalalaasuhu kajiro ee Axmaarada.

Dhaq dhaqaaqa cusub ee dhalinyarada ayaa lasheegayaa in uu kajiro meelo badan oo wadanka Gumaysiga ah, waxaana lasheegayaa in dhalinta Qeerro ee Oromada iyo kuwa Axmaarada ee FANA iyo waliba kuwa Guragta ee looyaqaano Sara in ay kuheshiiyeen in ay qaadaan howlgalo balaadhan oo weerarada noocan ah ay kamid yihiin.

Magaalada Debratabore iyo waliba magaalooyin kale oo dhulka Axmaarada ah ayaa laga soo sheegayaa in wayaanuhu ay kudaabuleen ciidamo badan, kuwaas oo doonaya in ay kahor tagaan howlgalada dhalinta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay