Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in ciidanka wayaanuhu ay xabsiga dhigeen qaar kamid ah dadka ugu magaca wayn magaalada Bahardar.

Sida xogta aan kuhelayno ciidanka wayaanaha ayaa qaaday howl gal aad ubalaadhan kaas oo ay kusoo qaqabteen 19 qof oo aqoonyahano iyo saxafiyiin isugu jira, kuwaas oo lasoo taxaabay xili ay shaqooyin kooda caadiga ah wateen.

Dadkan lasoo qaqabtay oo aan wax siyaasad ah lug kulahayn ayaa lasheegayaa in lagu eedeeyay in aykamid yihiin ururada kukacsan taliska wayaanaha isla markaana ay samaynayeen urur cusub oo ladagaalama xukuumada wayaanaha.

Xubnaha xabsiga ladhigay oo aad looga yaqaano magaalada Bahardar iyo deegaanada kuxeeran ayaa lagu kala magacaabaa
1 Dr. Dasegnly Chane
2 Geshew Marsh
3 Tamasegn Tesema
4 Balete Mula
5 Nigate Asrasa
6 Balete Kasa
7 Siyaye Altasibe
8 Deneal Ababaw
9 Mangeste Tagane
10 Bogole Arage
11 Kasa Haylu
12 Tasma Kassahu
13 Daresen Berhanu
14 Barihun Asafe
15 Fikiru Kasaw
16 Addisu Maleze
17 Tamasegn Birhanu
18 Yusufe Ibrahim
iyo qof kale oo magiciisa aanaan helin.

Kooxda TPLF ayaa lasheegayaa in ay Go’aan sadeen in ay dib uqaqabtaan dadkii dhawaan xabsiga ay kasiidaayeen isla markaana kuwo kale oo cusub ay xabsiyada dhigaan, si ay u ilaashadaan xukunkooda macangaga ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay