Sida aad wararkaa nagii hore ku daawateenba waxaa ka dhacay wadanka Australia magaalada Melbourne mudaaharaad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Oromia iyo Jaaliyada Ogadeniya kaasoo lagaga soo hor jeeday taliska gumaysiga Itoobiya iyo dhibtaada uu ku hayo shucuubta ku hoos nool.

Mudaaharaadkan ayaa ka bilawday xarunta baarlamaanka ee Victoria waxaana ka hadlay xubno badan oo ka tirsanaa Baarlamaanka wadanka Australia.

Mudaaharaadkan intii socday waxaa qudbado ka jeediyay xubno ka tirsan baarlamaanka Australia, Masuuliyiinta Jaaliyadaha Ogaadeniya iyo Oromiya waxaa sidoo kale ay socod dheer kusoo mareen badhtamaha magaalada Melbourne.

Ugu danbayntii Mudaaharaadkan ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay meesha lagu magacaabo Faderation Square oo ah badhtamaha magaalada Melbourne.

Hoos ka daawo Qayb kamida Mudaaharaadka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay