Xog rasmi ah oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in dalka Maraykanka iska dhiibeen saraakiil sar sare oo katirsanaa kooxda Axmaarada ah ee ANDM, isla markaana xilal uhayay xukuumada wayaanaha.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa wadanka Maraykanka magangaliyo siyaasadeed waydiistay duqii magaalada Gonder Taqaba Tababale iyo gudoomiyihii xisbi kusheega ANDM ee magaalada Gonder Salamon Mulugeta, kuwaas oo socdaal howleed kujoogay wadanka Maraykanka.

Warka ayaa intaas kudaraya in saraakiishan qoxootinimada isu dhiibtay loodiray shaqo gaar ah iyagoo loosheegay in ay dadka Xabashida ah ee wadanka Maraykanka jooga kusoo qanciyaan in ay xukuumada wayaanaha lashaqeeyaan isla markaana taageero maaliyadeed ufidiyaan.

Saraakiishan baxsatay oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in ay udulqaadan waayeen dhibaatooyinka aan kala joogsiga lahayn ee kasocda wadanka gumaysiga Itoobiya, gaar ahaan gumaadka lagu hayo dadka shacabka ah ee u dhashay qoomiyada Axmaarada.

Saraakiisha ayaa intaas kudaray in ay taageerayaan shacabka dulman ee kacdoonka kawada gudaha wadankii, waxayna intaas kudareen in shucuubta kala duwan ee Itoobiya kudhaqan loogabaahan yahay in ay umidoobaan sidii ay cadawga soojireenka ah isaga dulqaadi lahaayeen.

Bilihii iyo sanadihii lasoo dhaafay waxaa si xowli ah wadanka Gumaysiga Itoobiya uga jiray baxsad baahsan oo ay baxsanayeen siyaasiyiin, wariyeyaal, ganacsato, duliyeyaal iyo dad kale oo muhiim ah, kuwaas oo dhamaantood sheegay in ay u adkaysan weeyeen gumaadka lagu hayo dadkooda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay