Hay’ada xuquuqda aadamaha udooda ee Human Raght Watch (HRW) ayaa soosaartay warbixin aad udheer oo ay kaga warbixisay dhibaatooyinka aan xadka lahayn ee Itoobiya kasocda maalin iyo habeenba.

Hay’ada Human Right Watch (HRW) ayaa xukuumada wayaanaha ku eedaysay in ay ciidankooda awood buuxda usiiyeen xasuuqa shacabka, waxayna hay’adu xustay in mudadii uu xukunka ciidanku wadanka saaraa uu sare ukacay tacadiyada shacabka lagu hayo.

Human Right Watch ayaa sheegtay in kooxda talada wadanka lagu wareejiyay ee Common Post gu ay maxaabiista wadanka kuxidhan ula dhaqmaan si aan waafaqsanayn dastuurka wadanka udagan iyo xeerarka caalamiga ahba.

Hay’ada ayaa si gaar ah farta ugu fiiqday dadkii ciidanka wayaanuhu ay shalay iyo daraato kasoo qaqabteen Gobolka Axmaarada, kuwaas oo isugu jiray siyaasiyiin, wariyeyaal iyo dad kale oo magac lahaa, qaar kamid ah dadkan laqaqabtay ayaa lasheegay in ay kamid ahaayeen maxaabiistii dhawaan xabsiga laga siidaayay oo cafiskii lagala laabtay.

Human Right Watch ayaa carabka ku adkaysay in lagaadhay xiligii lala xisaabtami lahaa dhagar qabayaasha, waxayna hay’adu kutalisay in dunidu aysan isha kafiirinin dhibaatada iyo bahdilka shacabka Itoobiya lagu hayo.

Hay’ada HRW iyo hay’adaha kale ee xuquuqda aadamaha udooda ayaa si isdaba joog ah usoo saara dhaliilaha ay kuhayaan kooxda TPLF, igayoo ifiya dhibaatooyinka shacabka lagu hayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay