Kooxda EPRDF ee sida magac uyaalka ah ushaqaysa ayaa qoomiyada kacdoonada wada ee Oromada kumatatarisay raysal-wasaarihii la isku mariwaayay ee mudada dheer lamagacaabi waayay.

Sida xogta aan kuhelayno kooxda EPRDF oo baryihii lasoo dhaafay kujiray kulamo isdaba joog ah oo dhowr jeer ay kukala kaceen ayaa galinkii dambe ee xalay soomagacaabay nin kasoo jeeda qoomiyada Oromada.

Kooxda talada wadanka maamusha ee TPLF ayaa Abiye Axmed umagacowday Raysal-wasaaraha cusub ee wadanka, iyaga oo doonaya in ay kudajiyaan qoomiyada mudada dheer kacdoonada wada ee Oromada.

Hase yeeshee shacabka dibad joogta ah ee qoomiyada Oromada ayaa durba kajixiyay Jawaab adag iyagoo sheegay in qof kooxda TPLF ay dabada kariixayso uusan matali karin qoomiyada Oromada, waxayna qurba joogta Oromadu sheegeen in laqabto doorasho xor ah oo ninkii kusoo baxa uu wadanka maamulo.

Dhinaca kale qoomiyada Tigreega oo markii hore xukunka udiidanayd qoomiyada Oromada ayaa kutala jirta in ay Raysal-wasaaraha kadhigaan qof maqaar saar ah oo fuliya awaamiirta qooxda TPLF.

Dhinaca kale shacabka Tigreega ayaa cabsi wayn kaqaba in uu Raysal-wasaaruhu noqdo qof awood leh oo matala qoomiyada cabudhsan ee Oromada, taas oo shacabka Tigreega uga dhigan guul daro.

Iskusoo wada duub oo waxaa lasugayaa baryaha soosocda iyo jawaabaha laga bixiyo Raysal-wasaare kusheega cusub Abiye Axmed iyo kuxigeenkiisa Demake Makonen oo udhashay qoomiyada Axmaarada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay