Laanta Qaramada Midoobay QM uqaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa Website ay maamusho kusoo daabacday warbixin dheer oo ay kaga warbixinayaan qoxootiga siikordhaya ee qoomiyada woqooyiga Itoobiya dagta ee Tigreega.

Sida warbixinta lagu sheegay qoomiyada Tigreega ayaa noqotay mida ugu qixitaanka badan qoomiyadaha Itoobiya, waxaana lasheegay in badankood ay wadanka gudihiisa kubarakaceen halka tiro kale oo badana ay dibada uqaxday.

Hay’ada UNHCR ayaa sheegtay in labadii bilood ee ugu dambeeyay sanadkii hore ee Novenber iyo September ay Gobolka Tigreega kabarakaceen 22480 qof oo kakoobnaa 7941 qays, kuwaas oo sida ay hay’ada sheegtay kujira ilaa iyo lixdan xero qoxooti.

Hay’ada ayaa sheegtay in bilihii sanadkan uhoreeyay ay tiradii kor usii kacday isla markaana ay gaadhay meel aan horay loogu arag Gobolka Tigreega, waxayna warbixintu xustay in uu wali barakucu siisocdo.

Hay’ada UNHCR ayaa sheegtay in qoxootiga Tigreega ah ee wadanka kubarakacay ay aad utabaalaysan yihiin isla markaana ay ubaahan yihiin hoye iyo cuno, dadkan qoxootiga ah ee qoomiyada Tigreega udhashay ayaa lasheegayaa in ay kasoo carareen colaado iyo abaaro kajira Gobolkooda, waxaana lasheegayaa in ay shacabka Tigreegu aad uga walwal qabaan colaad badan oo kusoo fool leh.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay