Xildhibaan ka tirsan Maamulk Koofurt-Galbeed ayaa lagu dilay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ruqiyo Abshir oo ka mid ahayd baarlamaanka, waxaana la dilay xalay 8-dii fiidnimo, iyadoo dilkeeda uu ka dhacay degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

Geerida xildhibaanada waxaa warbaahinta u xaqiijiyey wasiirka warfaafinta ee Maamulka Koofur-Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

“Ruqiyo waxaa meel u dhow gurigeeda oo ku yaalla degmada Shibis ku dilay rag bastoolado ku hubaysan, ka dibna way baxsadeen ayuu yiri wasiirku.

Xildhibaanada ayaa ahayd qof siyaasada ku cusub, ma jirto ilaa iyo hadda cid loo soo qabtay dilka xildhibaanad Ruqiyo Abshir oo isla goobta ku naf baxday.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay