Jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee Boqortooyada Sucuudi Arabia Ayaa waxay isugu yimaaday kulan si wayn loosoo Agaasimay oo ay kasoo qayb galeen madax ka socota Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya Kulankan oo ahaa mid taariikhi ah waxaa kasoo qayb galay xubno kamid ah gudiga fulinta ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO, wuxuuna kulankan ahaa mid meel gooni ah kaga yaala xubnaha jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Sucuudiga gaar ahaana farac yadii kulankan loo qabtay ee Alxasa iyo Damaam.

Kulankan oo ahaa mid lagu kormeeraayay Jaaliyadaha Ogaadeniya ee Sucuudiga ayaa waxaa ku weheliyay Iskuduwaha bariga dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya Halgame Cabdulaahi Ciraaqi.

Kulanka ayaa ugu horaynba kubilowday jawi dagan waxaana lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo waxdi diini ah, waxaana lasii guda galay ajandayaashii shirka oo aad ubalaadhnaa.

Ugu horaynba waxaa lagu soo dhaweeyay xoghayaha Golaha Dhexe ee JWXO mudane Xaaji Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) wuxuuna xaajigu siwayn uga warbixiyay marxalada uu kusugan yahay gumaysiga Itoobiya iyo guud ahaan gayiga geeska Africa.

Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyay Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Jaaliyaadka HAAJ mudane Xaaji Maxamed Rashiid Sh Cabdullaahi, wuxuuna hogaanku siwaafi ah uga warbixiyay marxalada uu halganka Ogadenia marayo iyo Jaaliyaadka JWXO ee aduunka.

Sidoo kale qaar kamid ah kaadirki iyo xubnihii kulanka kasoo qayb galay ayaa madaxda waydiiyay su’aalo faro badan oo ay tabayeen, waxaana dhamaan su’aalihii xubnaha kajawaabay madaxdii kulanka soo qayb galay.

Kulan oo ahaa mid shucuur iyo dareen gaara xambaarsan ayaa wuxuu gaba gabadii kusoo dhamaaday Jawi dagan oo aad u qurux badan waxaana lagu balamay inay dhamaan xubnaha sii xoojiyaan halganka ay ku raadin hayaan xaqooda aayo ka tashi.

ONA/Alxasa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay