Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO iyo shacabka lagumaysto ee Soomaalida Ogadenia ayaa isku aragti kaqaatay magacowga ninka lasheegay in uu wadanka gumaysiga Itoobiya kanoqon doono Raysal-wasaaraha cusub.

Afhayeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO Mudane Cabdiqaadir Sh Xassan Hirmooge (Cadaani) oo laanta afka Soomaaliga ee BBC-da waraysi siiyay ayaa sheegay in shacabka Soomaalida Ogadenia iyo dalka Ogadenia ba aysan waxba uga dhignayn, wuxuuna afhayeenku sheegay in shacabka S,ogadenia lagumaysto isla markaana aysan u’oolin nin lamagacaabay iyo ku iscasilay toona.

Afhayeenka ONLF Mudane Hirmooge oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in wadanka Itoobiya uusan ubaahnayn qof labadalo, balse uu ubaahan yahay cadaalad iyo sinaan iyo waliba in dowlad wadaag ah oo dadku ay soodoorteen ladhiso, isla markaana laga shaqaysiiyo tastuurka wadanka iyo cadaalada.

Mudane Hirmooge ayaa sheegay in dhardhaarada oo lakala badalo aysan raashinka macaanaynin, wuxuuna intaas kudaray in shacabka Itoobiya kudhaqan aysan wax dan iyo heelo ah kalahayn hadalka kasoo yeedhay kooxda EPRDF, ee kusaabsan in ay kala badalaan labo qof oo isku mid ah.

Dhinaca kale shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa si lamid ah sida Jabhada ONLF uga jawaabay Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya, waxayna shacabku si isku mid ah usheegeen in dadka Soomaalida Ogadenia aysan waxba usoo kordhin doonin magacowga Abiye Axmed iyagoo intaas kudaray in shacabka Itoobiya ayna arintani wax faa’iido ah ulahayn.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay