Dowlada Imaaraatika ayaa mar kale soo saartay digniin ku socotay dowlada Qatar oo ay ku eedeysay in khal khal ku heyso duulimaadka shirkadaha diyaaradaha ee laga leeyahay dalkooda.

Digniintan kasoo baxday Imaaraatika ayaa lagu sheegay in Diyaaradaha dagaalka ee Qatar laga leeyahay ay cabsi geliyeen labo diyaaradood oo siday rakaab oo laga leeyahay wadanka Imaaraatika.

Diyaaradahan oo Isniintii lasoo dhaafay marayey hawada dalka Baxreyn ayay kusoo dhawaadeen diyaaradaha militariga Qatar iyagoo doonayay in ay cabsi galiyaan ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’ada duulimaadka ee dowlada UAE.

Dowlada Qatar ayaa jawaab ka bixisay eedeyntaasi oo ay iska fogeeyeen, waxayna sheegeen in Imaaraatku uu isagu yahay kan khal khalka iyo xadgudubka ku haya hawada dalka Qatar.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay