Laba ruux ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhashay miino la sheegey in lagu xiray gaari noocyada yar yar ee sida gaarka ah ay dadku adeegsadaan, gudaha Muqdisho.

Warka ay saxaafadu heleyso, ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu la socday nin magaciisa lagu soo koobay Cabdixafiid, oo la shaqeeya mid ka mid ah hay’adaha gar-gaarka.

Xaaladda Cabdixafiid, ayaa la sheegey in ay liidato, iyadoo ay dhaqaatiirtu hadda la tacaalayaan. Weerarka, ayaa ka dhacay gelinkii dambe ee shalay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay