Dowlada Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ugu gudbisay dacwad ka dhan ah dowlada Imaaraatka oo la sheegay in ay saldhig militari ka dhisanayaan magaalada Berbera ee Gobolka Woqooyi Galbeed Somalia.

Qoraalka Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Amb. Abukar Cismaan uu u gudbiyey Golaha Amaanka ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin in lagu soo xad gudbo Madax-banaanideeda, isla markaana ay qaadi doonto talaabo walba oo la gudboon.

Heshiiska dhexmaray Maamulka Waqooyi ee Somaliland iyo Imaaraatka ayaa lagu sheegay in dowlada UAE ay sidoo kale tababar u fidin doonto ciidamada booliiska iyo militariga ee Somaliland. Dhismaha saldhiga Militari ee Berbera ayaa lagu sheegay mid sharci daro ah maadaama maamulka Somaliland aan caalamka aqoonsaneyn.

Imaaraatka oo dhaq dhaqaaq ganacsi iyo militari ka wada Badda Cas ayaa saldhigyo militari horey uga soo samaystay wadanka Yemen oo ay xiligan ka socdaan dagaalo xoog leh.

Shirkada laga leeyahay Imaaraatka DP World ayaa iyaduna sheegtay in ay maalgalin doonto dekedda Berbera heshiiskaasi oo ay qeyb ka tahay xukuumada Woyaanaha oo laga siiyey 19% maalgashiga Dekedda Berbera, arrintaasi oo iyaduna abuurtay xiisad weyn.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey go’aan dalka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland looga mamnuucayo inay ka hawlgasho shirkada DP World.

Dowlada Imaaraatka ayaa horey u sheegtay in ay illaalineyso midnimada iyo Madax banaanida dalka Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga jawaabin dacwada Somaliya u gudbisay Qaramada Midoobay ee ku aadan saldhiga militari ee Berbera.

Saldhigan Militari ayaa waxaa sidoo kale shaki ka muujiyey dowlada Itoobiya oo iyadu hada sheegatay inay maalgashan doonto 19% dekedda Berbera, balse dhinaca kale shaki ka qabta saldhiga Militariga Imaaraatku doonayaan inay Berbera ka sameystaan.

Gumaysiga Itoobiya ayaa dhankiisa khal kahal wayn ka qaba dowlada Masar oo ay isku hayaan wabiga Nile ayaa ka cabsi qabta khatar militari oo uga imaan karta saldhiga Berbera oo horey loo sheegay in dowlada Masar laga yaabo inay iyaduna keensato ciidamo maadaama ay kamid tahay xulafada Imaaraatiga iyo Sacuudiga.

Maalgashiga gumaysiga Itoobiya ee dekedda Berbera ee DP world ayaa la sheegay inay Xukuumada Addis Ababa dooneyso inay mustaqbalka u noqoto dood ay u adeegsan karto awood militari inay ku gasho hadii ay u baahato deegaanada Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland iyo magaalada xeebta saaran ee Berbera.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay