Maanta oo Khamiis ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 29/3/18 waxaa kulan muhiim ah isugu yimid xubnaha Golaha dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee kahowl gala wadanka Australia.

Xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO ee Wadanka Australia ayaa isxasuusinta cabsida Allaah kadib si mug leh uga dooday marxalada Geeska Afrika uu kusugan yahay iyo habka qadiyada Ogadeniya looga faa’iidayn lahaa isbadalada soosocda xiliga dhaw.

Sidoo kale xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee Australia ayaa sidoo kale kadooday marxalada qalafsan ee rajo la’aanta ah ee uu kusugan yahay taliska nuglaaday ee Woyaanaha, kaas oo mowjado siyaasad xumo ah ay sitaan.

Xubnaha Golaha Dhexe ayaa sidoo kale ka hadlay habka cusub ee gumaysigu uu Ogadeniya ladamacsan yahay iyo xasuuqa cusub ee shacabka Soomaalida Ogadeniya kusoo fooleh doorasho kusheegta Itoobiya kadib, isaga oo umaraya kuwa afka soomaaliga kuhadla ee fuliya awaamiirta taliska wayaanaha.

Mas’uuliyiinta ayaa siwayn uga hadlay sida loola dhaqmayo maxaabiista ree Ogadeniya ee wali cadawga u gardaduuban iyo sida aan sharciga waafaqsanayn ee lagu samaynayo.

Xubnaha Golaha Dhexe ee Australia ayaa cambaareeyay talaabada bahdilka ah ee lagu samaynayo shacabka Soomaalida Ogadeniya iyo maxaabiista ree Ogadeniya, taas oo imanaysa xili uu cadawgii haystay burbur qarka u saaran yahay.

Xubnaha Golaha Dhexe ayaa shacabka Soomaalida Ogadenia ugu baaqay in ay midoobaan una midoobaan sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen cadawga sii liicaya ee wali dusha kasaaran isaga oo aan tabarba haynin.

ONA/Australia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay