Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in magacowgii Abiye Axmed kadib uu bilowday khalkhal balaadhan oo qoomiyada Tigreega iyo guud ahaan qoomiyada Itoobiya soo wajahay.

Sida xogta aan kuhelayno qoomiyada Tigreega ee dagta woqooyiga wadanka ayaa durba bilowday shirar ay kaga tashanayaan arimaha soo cusboonaaday iyo sida uu xaalku isu badali karo, waxaana lasoo tabinayaa in cabsi wayn laga dareemayo dhulka Tigreega.

Siyaasiyiinta iyo wax garadka qoomiyada Tigreega ayaa lasheegayaa in ay shir dag dag ah kuqabteen magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigreega, halkaas oo dad aad ubadan ay wali kusii qulqulayaan si ay wadatashiga qoomiyada uga qayb qaataan.

Qoomiyada ayaa lasheegayaa in ay wadnaha farta kuhayso iyaga oo kabaqaya in uu u horgaliwaayo qorshahooda oo ahaa in ay wadanka umagacaabaan nin kushaqeeya awaamiirta kooxda TPLF, kaas oo ugu dambayntii ay Abiye Axmed usoo xusheen kadib markii laga diiday shakhsiyaad ay wateen.

Siyaasiyiin badan oo udhashay qoomiyada Oromada kana tirsan xisbi kusheega Oromada ah ee OPDO ayaa qaba in uu raysal-wasaaruhu yahay nin karti leh oo qaadan doona go’aamo ugaar ah, hase yeeshee siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Oromada ayaa Abiye Axmed u arka Tigree af Oromo bartay.

Afhayeen uhadlay gudiga qabanqaabada shirka Tigreega ayaa sheegay in ay shirkan kaga tashan doonaan arimo dhowr ah oo dalka iyo dadka dan u ah sida amaanka iyo arimaha dowlad wadaaga, hase yeeshee shirkan ayaa ah mid uu keenay khalkhalka guud ee wadanka kajira.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay