Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in Baarlamaan kusheegaya wayaanuhu uu yeelan doono fadhigoodii ugu horeeyay tan iyo intii kooxda EPRDF ay soomagacowday shakhsi ay kusheegeen in uu noqon doono Raysal-wasaaraha cusub ee wadanka sii burburaya.

Sida xogta aan kuhelayno Baarlamaan kusheegaya ayaa fadhiisan doona maalinta isniinta ah ee soosocota hadii Alle idmo, waxaana lagu wadaa in ay ansixiyaan Raysal-wasaare kusheega cusub ee kooxdu ay soo mada luufisay, Abiye Axmed.

Sida ay sheegtay ideecada Radio Fana oo afka xukuumada wayaanaha ku hadasha Raysal-wasaare kusheega cusub ayaa isla Isniinta lagu dhaarindoonaa Baarlamaanka hortiisa, halkaas oo lagu wado in uu kajeediyo khudbadiisii ugu horaysay ee uu jeediyo isagoo Raysal-wasaare ah.

Baarlamaanka wayaanaha ayaan iyagu lahayn wax cod ah oo ay kudiidaan Raysal-wasaaraha ay kooxda EPRDF tu soomagacowday, waxayna shaqada Baarlamaanku tahay in ay cod kalsooni siin ah ugu fartaagaan oo kaliya, taas oo tilmaamaysa dhaqanka cabudhiska kudhisan ee Itoobiya kajira.

Xubnaha Baarlamaanka wadanka ayaa qayb wayn ka ah caqabadaha wadanka haysta, waxaana Baarlamaanka dhaqan u ah in ay ansixiyaan oo kaliya wixii ay kooxda talada wadanka haysa soojeediso, taas oo baal marsan dhaqanka dimuqraadiyada lagu yaqaano.

Horaantii bishan ayay ahayd markii Baarlamaan kusheega woyaanuhu ay ansixiyeen xukunka dag daga ah ee wadanka saaran kaas oo ciidanka wayaanaha u fasaxayay in ay dadka laayaan ama xidhaan maxkamad la’aan, taas oo keentay dhibaato baahsan oo shacabka lasoo daristay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay