Mudaharaad  balaadhan  oo lagaga  soo  horjeeday  gumeysiga  Ethiopia kii hore  iyo  ka cusub ayaa  Saacado yar  ka hor ku soo dhamaaday  xarunta Dowlada hoose  caasimada  gobalka Ontario  Toronto – wadanka  Canada.

Mudaharadkan oo ahaa mid aad u balaadhan waxaa siwada jir ah isaga kaashaday  Sadexda jaaliyadood  ee Ogadenia ,Oramia iyo Amhara,mudaharadayaasha  oo watay calamadooda iyo calaamado muujinayay  waxay diidayaan iyo waxay doonayaan ayaa  ku qeylinnayay  halku dhagyo ka dhan ah gumeysiga  Ethiopia.

Mudaharadaayasha ayaa  Dowlada Canada , warbaahinta iyo Hay’adaha  xuquuqul insaanka ugu baaqay inay gacanka geystaan sidii shucuubta dulman looga samata bixin lahaa  kooda  dhiiga  shacabk aan iska  caabin karin ku naaxday  ee magaceeda loo Soo gaabiyo EPRDF.

Mudaharaadka  oo muqaal ah waxaad kaga boqon doontaa  wararkeena danbe.

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay