Wararka naga soo gaadhaya magaalada Moyale qaybta ay Oromadu dagto ayaa sheegaya in kooxda talada wadanka maamusha ee Common Post ga looyaqaano ay is hortaagtay in baadhitaan lagu sameeyo xasuuqii kadhacay magaalada Moyale.

Xukuumada aan balanta lahayn ee wayaanaha ayaa todobaadkii hore sheegtay in baadhitaan xoogan lagu samayn doono dhacdadii ay dadka badan kudhinteen ee kadhacday magaalada Moyale, taas oo kaliftay in ay magaalada Moyale iyo deegaanada ku xeeran kaqaxaan in kabadan 50 kun oo qof oo Oromo ah.

Hase yeeshee kooxda TPLF oo ogaatay in baadhitaanku uu dambi usamayn doono kooxda ayaa si cad isu hortaagtay baadhitaankii ladoonayay in uu magaalada kabilowday, kaas oo sida lasheegay dadka Oromada ah ay qayb kanoqon lahaayeen.

Dhinaca kale waxaa qoxootiga Oromada ah ee wadanka Kenya gaadhay kahadlay Dowlada Kenya iyo hay’adaha xuquuqul insaamka sida Human Right Warch iyo Amnesty International, kuwaas oo aad uga dayriyay xaalada dadka qoxootiga ah ee wadanka Kenya soogaadhay.

Kooxda Common Post ga ee talada wadanka loogacan galiyay ayaa lasheegayaa in ay amar kubixiyeen in lasiidaayo saraakiishii baadhitaanku uu kusocday iyagoo sheegay in howshu ay halkaas kudhamaato.

Dhaqanka lagu yaqaano xukuumada Gumaysiga Itoobiya iyo ciidamadeeda ayaa in aan cadaalada la horgaynin dadka gabood falada kagaysta wadankaas, gaar ahaan marka ay ciidamadu gumaadka gaystaan.

Dadka deegaanka ayaa lasheegayaa in ay aad uga cadhoodeen amarka kasoo baxay kooxda wadanka xooga kumaamusha ee Common Post, iyagoo sheegay in aan laduudsiyi karin xaqa shacabka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay