Hogaamiyaha Jabhada Gimbot 7 Dr Birhanu Naga ayaa si taxadar leh usoo dhaweeyay magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya loomagacaabay Abiye Axmed.

Dr. Birhanu Nega ayaa sheegay in raysal-wasaaraha cusub looga baahan yahay isbadal dhab oo lagu sameeyo nidaamka madhalayska ah ee kooxda EPRDF, kuwaas oo sida uu Dr. Birhanu sheegay wadanka lahadhay.

Hogaamiyaha Gimbot 7 Dr. Birhani Naga ayaa sheegay in raysal-wasaaraha cusub laga rabo in uu qabto shirwayne qaran isla markaana uu dhiso dowlad wadaag ah oo dadka oo dhan ay iska arkayaan, cadaalad iyo sinaana ku dhaqaaqda.

Dr. Birhanu Naga oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in raysal-wasaaraha cusub looga baahan yahay in si dhakhso ah uu usiidaayo maxaabiista kumanaanka ah ee kujira xabsiyada wadanka oo dhan, si loosoo celiyo kalsoonidii luntay ee shacabka.

Dhinaca kale xisbiga mucaaradka ah ee Blue Party ayaa sheegay in ay raysal-wasaaraha cusub kasugayaan in uu kaleexdo wadadii kooxda EPRDF, waxayna sheegeen in qaabka uu ushaqeeyo ay ula shaqayn doonaan.

Siyaasiyiinta Itoobiyaanka ah ayaa si isku mid ah uga hadlay magacowga Abiye Axmed, iyaga oo sheegay in hadii wada saxda ah uu wadanka kuhagi waayo uusiisocon doono qalalaasuhu.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay