Bismillaah- Waxaan dhamaan akhristayaasha leeyahay kusoo dhawaada dhambaalkan aan ku iftiiminayo qiimaha ay xorriyaddu leedahay iyo sida ay qayb walba oo bulshada ahi ugu baahi qabto ugana faa’deysan karto. Aqoonyahanku waxay ku micneeyeen inay xorriyaddu tahay xuquuqda iyo hantida aasaasiga ah ee shaqsigu leeyahay tan ugu muhiimsan. Xorriyaddu waxay soo jiiddaa barwaaqada, ididiilada, shaqada iyo dadaal dheeri ah. Isagoo sii wata wuxuu yidhi- Shaqsigu xornimo ayuu ku dhashaa, ku noolaadaa, kuna dhintaa. Waa sida uu qoraaga carbeed timaalay. Hadaynu soo ogaanay inayba xorriyaddu markuu Ruuxu dhashaba ay la kowsato Abwaankii carbeedna salkuuba kamaray isagoo qiimaha xorriyadda cabirayana wuxuu yidhi-. العز كل العز في الحريةSharaf oo dhan waxay ku dhexjirtaa xorriyadda.

Kafaa’iideysiga Xorriyadda Ee Madaxda Halganka

Qeybta bulshada kamid ah ee sida dhabta ah u fahmaysa waxa guumaysi yahay waa madaxada halganka, sidoo kale waxay fahmayaan macaanka xorriyaddu ay leedahay. Sidaasi darteed ayay marka koobaad iyagu xorriyada uga faa’iideysanayaan.
Sidaad lasocotaan masuuliyiinta gobanimada raadinaya ee dalkooda lahaysto waxay kujiraan fikir joogto ah oo xambaarsan siday dadkooda uga bixin lahaayeen marxaladda adag ee dhibka ah. Markay gacanta kudhigaan xorriyadooda waxay u madax banaanaan doonaan aragtididooda iyo meel,marinteeda. Waxay ku soconayaan jadwal ay iyagu leeyihiin. Cidii dani ugu jirto way soo dhawaynayaan, cidaan dani ugu jirina iskuma mashquulinayaan.

Cadowgooda way yaqaanaa waxayna ka qaadayaan tilaabada ku haboon. Waxay awood u yeelanayaan inay badbaadiyaan dadka magan galiyo,doonka ah iyo guud ahaan martida iyo socotada. Dhanka kale baadka, biyaha iyo arimaha caafimaadka ayay wax kaqabanayaan. Waxay sidoo kale daryeelaan dhulka iyagoo ka ilaalinaya nabaad guurka. Waxay adeeegsan doonaan qodobo dawladnimo oo lagu badbaadinayo dhirta kaasoo lala tiigsanayo cidii iska dhagatirta awaamirtaas.

Kafaa’iideysiga Xorriyadda Ee Waayeelada

Xorriyadda waxaa ka mid ah dadka kafaa’iideysnaya Dadka gaboobay ee waalidka ah oo sidaad lacotaan aabe iyo hooyo u ah bulshada oo dhan. Waxay mudan yihiin in loo sameeyo daryeel khaas ah qaabkii ladoonaba haloo fuliyee. Way jiraan dawlado si wanaagsan u gutay xuquuqda waayeelada. Waxaa kale oo jira kuwo ay ku hoos dayacanyihiin waxaana dhici karta in lahagraday ama dhaqaaluhu ka heeliyay.

Kafaa’iideysiga Xorriyadda Ee Dhalinyarada

Dhalinyaradu waa laf dhabartii umadda iyo xooggii badhtamaha u ahaa dadka. Waa dad uu kujiro xoog iyo firfircooni xawli kusocda. Sida waqtigan jirta markii la waayay cid isu taagta jihaynta dhaliyaradii soomaaliyeed waa kuwa Bad iyo Barriba ku dhamaaday. Waxaa wanaagsan inay Dhalinyaradu masuulida dadka iyo dalka dhankooda qabtaan. Waa dad wax soosaari kari iyagoo kaashanaya aqoontooda isla markaana qaadanaya talooyinka dadka wax garadka ah. Dhalinyaradu waxay aad ugu baahanyihiin inay helaan waxbarasho saldhig looga dhigay qiimaynta dalkooda diintoo iyo dadkoodaba. Maanta waxay wajahayaan raaf iyo xidhay aan kala joogsi lahayn!

Kafaa’iideysiga xoriyadda ee Caruurta

Xorriyaddu waa shay ay xataa caruurtu u baahantahay. Cidii iyadoo caruura guumaysi soo martay ayaa aad ugaraneysa. Wali Ciyaarta oo meel fiican kuu mareysa ma maqashay guuxii guumaystaha, dabeeto kala carar makadhacay! Baahida koobaad ee ay caruurtu leeyihiin waa inay nabad ku seexdaan kuna soo toosaan. Waa inay ciyaartooda madax banaani uhelaan. Waa inay sidoo kale helaan goobo gaar ah oy ku gutaan ciyaartooda iyo qalabkiiba usahli lahaaba.

Kafaa’iideysiga Xorriyadda Ee Abwaanada

Xorriyadda wanaageeda lama soo koobi karo. Bulshada curisa hal abuurku waa wax Rabi ugu deeqay umadaas. Sidaa darteed guumaystuhu dadka uu ugu neceb yahay waa hal,abuurayaasha. Hadii si wanaagsan looga faa’iideysto waxay awdayaan meelwayn oo daloosha oo ubaahan in lagu awdo suugaan. Hadaan si kale udhigo waxaa adkaanaya in dadkaba la isu keeno hadayna jirin Abwaano Buunka ugu geeraara. Waxaa adag in dadwaynaha laga dhaadhiciyo mabda’a rasmiga hadaan iyaga lahelin. Meeshee looga khudabadayn lahaa saacado dhaadheer Abwaanadu afar hal umbay tuurayaan markaasay halmar bulshadu isku dhinac uwada jeedsan oo lawada hawl gali. Si kasataba ha ahaatee Guumaystuhu il gaar ah ayuu ku hayaa iyaguna way ogyihiin.

Kafaa’iideysiga xorriyadda Ee Saxaafadda

Xorriyaddu waa jawhar cajiib ah oo ayna noloshu ka maarmaynin. Sida la ogayahay wuxuu guumaystuhu aad u neceb yahay wariyayaasha halganka horkacaya. Wuxuu ku nacay waa kooxo isugu jira qaar muuqda iyo qaar aan muuqanin oy dhici karto inay cadowgii ka wargurayaan. Waxaa kale oo dhici karta inay joogaan goobaha laga hadlayo siyaasadda gudaha ee wadankii kasocota. Mararka qaar waxaa dhacda inayba fashiliyaan qorshe halis ah oo cadowgu soo maleegayay. Waxaa lamarayaa saban cidaan saxaafad uhadasha lahayn nolosha lagu dhaxlayo. Waxay somalidu ku maahmaahdaa nin kaa hadal badan dhaxalka aabhaana wuu kaa qadiyaa! Saxaafaddu haday xorriyad hesho wadaniyadna muujiso wax wayn ayay kusoo kordhin kartaa horumarka wadanka.

Kafaa’iideysiga Xorriyadda Ee Tijaarada

Xorriyaddu waa dhinac walba u daaq, majirto wax ka maarmi kara oo makhluuq ah. Qeyb dhan oo nolosha ah ayaa ku tiirsan baayacmushtarka(Tijaarada). Inay dadka dalka u dhashay wax iib geeyaan waxna soo iibsadaan waa mid caalamka oo dhan kajirta.
Shaqsiga doonaya inuu tijaarayso wuxuu u baahanyahay xorriyad uu kutagi karo meeshuu doono, wuxuu doono een bulshada khatar ku ahyna soo galin karo. Majirto qolo kaligeed meel istaagi karta, aduunkuna waa mid budadii haya iyo biyihii haya. Maamul kasta oo jiraa waa inuu noqdaa mid caawinaya tijaarada wadanka. Bal kawarran hadii waddo walba ciidan ladhigo iyadoo la beegsanayo baayacmushtarka kolkii laqabtana lagala wareego sow maha jujug meeshaada joog.

Maamulka iyo dadka suuqa waa inuu xidhiidh wanaagsani ka dhaxeeyo, laakiin hadii barqadii loo yimaado oo layidhaaho xidh meherdda adiguna xabsi gal oo joogto ah goormay shaqadu qaangaadhi. Waxaa kamid ah wayaabaha ruuxa tijaariga curyaamiya laaluush joogto ah iyo isfurasho.

Kafaa’iideysiga Xorriyadda Ee Xoolaha nool

Waxaan horay usoo sheegay inay wax waliba ubaahanyihiin xorriyadda. Inta xorriyadda aadka ugu baahan waxaa kamid ah Mawaashida oo ah xoolaha nool. Run ahaantii xaq bay uleeyihiin inay helaan nolol wanaagsan, hadiise laga hor istaago nolosha waa mid al isu ciqaabi doono. Diinta islaamku waxay sheegtay Haweenay Bisad meel ku xabistay oo baadkii iyo biyihiiba kajartay, kadibna iyadii loo cadaabay!. Xooluhu sidoodaba waa majaahidiin, mana hadlaan oo masheegan karaan baahidooda. Guumaysigu wuxuu xoolahii kuriday cabsi galin. Meelo oy xaq ulahaayeen ayuu Guumaystuhu ka didiyay, kaaga sii darane, markuu doono Rasaas ayuu ladhacaa, kaaga sii darane gawaadhida ayuu jiidhsiiyaa!

Waxaas oo hagardaamo ah ayay la kulmaan xoolaha Som, Ogadenya. Goortii xoriyad lahelo waxaa la daajin doonaa kolba meeshii nafci leh. Dayacaadda waa laga ilaalin doonaa. Daawada ay xaqa uleeyihiina way helidoonaan, waxaana hawshaas uxilsaaran wasaaradda xanaanada xoolaha. Goortay sidaa helaana shaki kuma jiro inay ducaynayaan.

Isku soo wada duuboo waxaan ku matalayaa xorriyada Geed wayn oo hoos iyo Midho leh oo daboolaya baahi farabadan uu oo qabo wadanigu, balse Geedka Xorriyaddu ma’ aha mid iska baxaya.

Xaaji M/rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.