Waxaa lagu qabtay wadanka Finland gaar ahaana caasimada Helsinki shir ay soo abaabuleen jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Finland kaasoo lagaga hadlaayay xaalada gumaysiga  Itoobiya ee wakhtigiisiii dhamaaday shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay dadwayne soomaaliyeed oo lagu marti qaaday iyo jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Finland.

Shirka ayaa sidii caadada inoo ahayd waxaa lagu fur furay aayado quraanka kariimka ah iyo wacdi dini ah, waxaa intaas kadib shirka furay gudoomiyaha jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee wadanka Finland Halgame Cabdirashiid Colaad wuxuuna ka hadlay ahmiyada shirka iyo waxa loo qabtay wuxuuna ka faalooday xaalada guud ee gumaysiga gabalkiisii dhacay ee Itoobiya.

Gudoomiye Cabdirashiid ayaa wuxuu kusoo dhaweeyay Halgame Rayaale Xaamud oo kamida Masuuliyiinta golaha dhexe ee JWXO oo kasoo qayb galay shirka wuxuuna Halgama Rayaaale Xaamud si wanaagsan ugu nuux nuux saday xaalada gumaysiga Itoobiya iyo marxalada uu maanta ku sugan yahay, asagoo masuulku cadeeyay in dhan dhaarada Dhariga oo la kala badalaa ay san macaanayn karin cuntada sidoo kale na in kooxaha Dhiiga shacabka ku naaxay oo la isku bad badalo ay san ahayn waxa xal loogu heli karo xaalada gumaysiga ee cakiran balse loo baahan is badal balaadhan oo dhanka xoriyada ah inay helaan shucuubaha ku hoos nool xukuumada Woyaanaha.

Halgame Rayaale Xaamud ayaa wuxuu sidoo kale aad ugala hadlay dadkii soomaalida ahaa ee shirka martida ku ahaa inay la socdaan xaalada gumaysiga Itoobiya sidoo kale na ay taageero hiil iyo hootaba la garab istaagaan shacabka Soomaalida Ogaadeniya ee gumaysiga dagaalka kula jira.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay qaar badan oo kamida masuuliyiin jaaliyada iyo  ururka dhalinyarada OYSU, wuxuuna ugu danbayntii kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay in lasii xoojiyo halganka ay JWXO hormuudka u tahay afkana ciida loo daro gumaysiga Itoobiya.

ONA/Finland.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay